Goob shidaal laga helay ayuu shakhsi iska heystaa “Madaxwaynaha DDSI”
Cabdi Maxamuud Cumar Madaxweynaha dowlad deegaankaSoomaalida Itoobiya oo hadal kooban ka jeediyay munaasabad loo qabtay daah furka Ceel shidaalka laga baadhayo ayaa si dadban u eedeeyay sarkaal Itoobiyaan ah oo sida uu hadalka u dhigay iska heysta deegaan ama goob uu Shidaal ka buuxo.
Muuqaalka lagu baahiyay baraha bulshada ayuu madaxweynuhu ku qirayaa in uu jiro aag shidaal dhooban yahay oo aanu waxba kala soconin hawsha ka socota.
Isaga oo arrintaas ka hadlaya ayuuna yidhi “gobolka Jarar oo cobole ah akabaabigeeda (waa eray Amxaari ah oo macnihiisu yahay agagaarkeeda) mid baa iska haysta Tewadhros la yidhaahdo, mooji kaasu”. Madaxweynaha ayaa intaa sii raaciyay’’ “haddase waa la isaga daba yimid” mana cadda waxa uu ula jeedo.
Dowladda Itoobiya ayaa dhawaan ku dhawaaqday in ay bilaabeyso baadhista shidaal laga qodayo dhulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, iyadoo madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar uu sheegay in 40% kiiba Ismaamulka Soomaalidu yeelanayaan dakhliga laga helo shidaalka.