Tahriibayaal ka badan 500 oo Qof Ayaa laga soo badbaadiyay Xeebaha Wadanka Marooko.

 

Ciidamada Badda ee Dalka Marooko ayaa Arbacadii Shalay ahayd soo badbaadiyay 110 Qof oo Tahriibayaal ah, kuwaas oo ku safrayay Saddex Dooniyood, sida ay sheegeen laamaha ammaanka Dalka Marooko.

Howl-gallo kale oo ay Ciidamada Badda ee Dalka Spain ka sameeyeen marinka Gibraltar ee u dhexeeya Labada Dal ayaa sidoo kale lagu soo badbaadiyay 399 Musaafuriin sharci darra ah, kuwaas oo iyana ku socdaalayay 29 Dooniyood.

Hay’adda socdaalka Adduunka ee IOM ayaa xog uruurintii ugu dambeysay ee ay soo saartay, waxa ay ku sheegtay Sanadkan oo keliya inay ka tahriibeen marinka u dhexeeya Marooko iyo Spain in ka badan 50,000 oo Qof, kuwaas oo 1,500 oo ka mid ihi ay halkaa ku Naf waayeen.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker