Dawlada Hoose Ee Degmada Burco Oo Soo Saartay Awaamir ku socota geerashlayaasha Burco

Dawladda hoose ee degmada Burco ayaa awaamiir cusub kusoo rogtay geerashleyaasha ku ganacsada goobaha wadooyinka ah ee magaaladda Burco.

 

Xoghayaha dawladda hoose ee degmada Burco Cismaan Maxamed Sheekh Cismaan Nuur oo ka hadlay awaamiirtan ay kusoo rogeen Geerashleyaasha ku ganacsada goobaha wadooyinka ah ee magaaladda Burco ayaa ganacsatadaasi ugu baaqay in ay ka guuraan goobaha wadooyinka halbawlaha ah iyo sidoo kale faras magaalaha magaaladda Burco.

 

Qorshahan ayuu xoghayaha fulinta dawladda hoose ee degmada Burco ku tilmaamay mid lagu hagaajinaayo bilicda magaaladda Burco ,waxaanu tilmaamay in dawladda hoose ay talaabo ka qaadi doonto Geerashleyaasha degan wadooyinka Halbawlaha ah iyo goobaha Faras magaalaha ah wixii ka dambeeya 1 January ee sannadka fooda inagu soo haya, haddii ay fulin waayaan awaamiirtaas ay dawladda hoose kusoo rogtay.

 

Waxa iyagana amarkan mid lamid ah ay dawladda hoose ee degmada Burco kusoo rogtay Furfurleyaasha Iskaraabka iibiya ee ku ganacsada wadooyinka Halbowleyaasha ah iyo goobaha faras magaalaha ah ee magaaladda Burco oo iyagana lagu amray in ay sidaas si lamid ah ka guuraan goobahaas.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker