Taiwan oo sheegtay in diyaaradaha dagaalka Shiinaha ay ku soo xadgudbeen hawadeeda

Wasaaradda gaashaandhigga Taiwan, ayaa sheegtay in diyaaradaha militariga Shiinaha, iyo kuwa aan duuliyaha lahayn ay kusoo xad gudbeen hawada jasiiraddaasi.

Sida laga soo xigtay Taiwan, sagaal diyaaradood oo dagaal oo Shiinees ah iyo diyaarad aan duuliye lahayn, ayaa ka gudbay khadka dhexe ee marin biyoodka – xadka aan rasmiga ahayn ee u dhexeeya dhul weynaha iyo jasiiradda.

Shiinuhu ayaa waxa uu sheegay in dhulkan uu yahay dhulkiisa, oo aanay waxba ku xad-gudbin.

Saraakiisha Shiinaha ayaa ku hanjabay aargoosi aan la cayimin, haddii madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen, ay la kulanto afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka, Kevin McCarthy Isniinta.

McCarthy ayaa hadda safar ku maraya xulafada Mareykanka, ee dalalka dhaca bartamaha qaaradda Ameerika.

Shiinuhu ayaa wuxuu Taiwan u arkaa qayb ka mid ah dhulkiisa, kaasoo ku biirin kara dhul weynaha Shiinaha, xitaa haddii xoog loo baahdo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker