Dhimasho iyo dhaawac ka dhasgay shil gaadhi
Alle ha u naxariistee hal askari ayaa ku dhintay, 4 oo kale na waxa gaadhay dhaawacyo kadib markii uu shil baabuur galay gaadhi ay la socdeen ciidanka ilaalada weftiga komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland oo maanta u baxay sahaminta goobaha doorashada ee gobollada bari ee dalka. Shilkaasi waxaa ku geeriyooday AHN Aadan Siciid Xasan oo ka mid ahaa askarta ilaalada KDQ, waxaana ku dhaawacmay 4 Askari oo kale oo lagu la tacaalayo Cisbitaalka Degmada Sheekh.
Sidaana waxa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Komishanka Doorashooyinka Somaliland.