Wararkii ugu dambeeyey ee dibad-baxyada Kenya

Booliska ayaa maanta sunta dadka ka ilmeysiisa ku kala eryey dibad-baxayaal kasoo horjeeda dowladda Kenya oo ka cabanaya sare u kaca qiimaha nolosha.

Dibad-baxyada maanta ayaa yimid kadib markii mucaaradka ay wacad ku mareen inay sii wadi doonaan mudaaharaadyada inkasta oo booliska ay mamnuuceen.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyey, ayada oo booliska rabshadaha ka hortaga la dhigay baraha muhiimka ah ee Nairobi iyo waddooyinka, halka dukamo badan la xiray, lana hakiyey adeegyada tareenada ee duleedka magaalada.

Hoggaamiyaha mucaaradka, Raila Odinga ayaa dadka ugu baaqay inay isu soo baxaan Isniin iyo Khamiis kasta, xitaa haddii dibad-baxyadii dhacay toddobaad kahor ay isku beddeleen rabshado, islamarkaana curyaamiyeen qeybo ka mid ah Nairobi.

Booliska ayaa ay isku dhaceen dibad-baxyo tuuraya dhagxaan, isku raranta ugu weyn ee Nairobi ee Kibera, halkaasi oo dibad-baxayaasha ay ku gubeen taayaro.

Waxay ku gacan sayreen amarka dambi-baaraha guud ee booliska Japhet Koome, oo Axaddii sheegay in dibad-baxyada ay yihiin sharci-darro, lana mamnuuci doono.

Xaaladda ayaa deganeyd qeybaha kale ee magaalada, ayada oo boolis xooggan ay joogeen xaafadaha qaar oo ay ka dhaceen dibad-baxyadii toddobadkii tegay.

Isku dhacyadii Isniintii hore ee Nairobi iyo meelaha ay ku xooggan yihiin mucaaradka ay galbeedka Kenya, arday Jaamacadeed ayaa ku dhintay rasaasta booliska, halka 31 sarkaal la dhaawacay.

In ka badan 200 oo qof ayaa la xiray, oo ay ku jiraan siyasaasiyin sare oo ka tirsan mucaaradka, halka dibad-baxayaasha iyo sidoo kale kolonyada Odinga lagu furay sunta dadka ka ilmeysiisa.

AFP

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker