Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Ayaa Xaqiijiyay In Laga Helay Xanuunka Covid-19 October 28, 2020

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland  Farxaan Aadan Haybe Ayaa Xaqiijiyay In Laga Helay Xanuunka Covid-19.

 

Gudoomiye Farxaan haybe ayaa qoraal uu bartiisa Facebook ku daabacay ku sheegay in laga helay xanuunka Covid-19 waxa uu dhignaa sidan:-

 

“Shalay ayaan waxoogaa qufac ah yeeshay si aan isu hubiyo caafimaadkayga iyo taxadir badbaado dadka kale ah u sameeyo, Baadhis la xidhiidhi Covid-19 ayaan sameeyay ilaa shalay iyo maanta oo baadhista natiijada aan sugayay guriga kama bixin. Imika ayaa la ii soo sheegay natiijada in aan positive ahay.

 

Alxamdulilah wax culays ah ama isbadal ah xataa xumad ma yeelan keliya qufac kooban mooyee, markaa muhiim ayay u tahay qof kastaa inuu is baadho si uu u xaqiijiyo caafimaadkiisa iyo waajibka ka saaran caafimaadka intuu jecel yahay iyo bulshadiisa guud ahaan si aynu uga qayb noqono xakamaynta cudurka safmarka ee Coronavirus. Sida dhakhtaradu ku taliyeen 14 cisho Hadii Allah ogolaado waa waajib in aan guriga fadhiyo isna takooro.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker