Madaxweyne Kenyatta oo ka hadlay baaritaanka kashifay hantida ay qarsadeen qoyskiisa

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Isniintii sheegay in baaritaanka kashifay hogaamiyayaasha caalamka ee lacagaha ku qarsaday dalal dibadda ah “uu sare u qaadi doono daah-furnaanta maaliyadeed,” hase yeeshee wuxuu diiday inuu ka jawaabo eedeymaha ku saabsan in qoyskiisa ay dibadda ku leeyihin 11 shirkadood uu u dhigma malaayiin dollar.

Qiyaastii 11.9 milyan oo document oo la dusiyey, islamarkaana uu helay ururka suxufiyiinta caalamiga ah ee daba-galka ee ICIJ, ayaa la daabacay Axaddii, waxaana warqadahan oo loogu magac daray “Pandora Papers” ay shaaca ka qaadeen hantida ay dibadaha ku qarsadeen boqolaal siyaasiyiin iyo bilyaneero ah.

Baaritaanka ayaa muujiyey sida Kenyatta – oo u ololeeyey la-dagaalanka musuq-maasuqa – loogu eedeeyey isaga iyo lix xubnood oo qoyskiisa ka mid ah inay dibadda ku leeyihiin 11 shirkadood, oo lagu qiimeeyey inay haystaan hanti dhan 30 milyan oo dollar.

“Warbixinadan waxay wax weyn ka tari doonaan sare u qaadidda hufnaanta maaliyadeed iyo furfurnaanta aan uga baahannahay Kenya iyo dunida oo dhan,” ayuu Kenyatta ku yidhi bayaan uu soo saaray.

“Dhaq-dhaqaaqa lacagaha sharci-darrada ah, ee ka dhasha dembiyada iyo musuq-maasuqa, waxay ku horumaraan jawi qarsoodi iyo mugdi ah,” ayuu sii raaciyey, isaga oo aan ka jawaabin eedeymaha isaga ka dhanka ah.

Inkasta oo hanti la dhigto dibadaha iyo adeegsiga shirkado qarsoon aysan sharci-darro ka aheyn dalalka badankood, haddana shaac ka qaadistan waxay ceebeysay hoggaamiyayaal u ololeynayey miisaaniyad dhimista dowladda ama qaaday dagaal ka dhan ah musuq-maasuqa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker