DAGAALKA CEELAFWEYNE MA MARKII U DAMBAYSAYBAA KAN FADHIGAAB MISE WAA BILAW CUSUB OO WEJI CUSUB WATA.

Dagaalka Ceelafweyne ee shan jirka  ee labadii dawladeed ee Kulmiye  ka soo hana  qaaday  weji  buu lahaa Xukuumaddii  Siilaanyo  oo ay ku caddayd marna inaan la qabanayn cidda dagaalka WADDA ee BILAWDA  loona tirin jiray  In qaybo ka mida ahaa dawladdii Siilaanyo ay si cad u wadeen oo muuqan jirtay cidda Criminalka ah ee duulaanka qaadda in la iska indha tirijiray oo la qaban jirin ee weliba lagala mid dhigi jiray qolada la dulmayaasha ah oo mar walba la dambabasi jiray dhagar qabayaasha  iyo dagaal  ooogayaasha.

Maanta  weji cusub ayuu dagaalka  u dhigtay Xukuumadda  Kulmiye ee labaad  oo goaan kuna uu sidii hore iska yihiin oo inaan la qabanayn dagaal ogayaasha ee laga la mid dhigayo la dulmayaasha ayaamo yar uun la hakinayo duulaanada laakiin halkii Xukuumaddii hore ay Ciidamada Xukuumaddu  toos  ula safnayd dagaal ogayaasha laakiin  imika xukuumaddii hore hogaamiyaasheedii jabhad isu bedeshay iyagoo og in Xukuumadda Muse Biixi Jabhadda aanay ku duuli karin maxaa yeelay labada xukuumadood ee KULMIYE  wey kala warwareegayaan oo wey is feeraarinayaan qolana Wey jabhadaynaynayaan qolana wey dawladaynayaan dagaalkuna shanta sano ee soo socda sidii buu  u soconayaa weliba xagga Ceerigaabo ayuu ku fidayaa. Imika ciddii  dembiga  lahayd lama soo qabanayo Lama taabanayo ee qacan bira ok been  ah baa jiraysa ayaamo iyo wasiiro isdabayaacaya oo siigaynaya wadooyinka ayaamo dabadeedna mafrishyadoodii Hargeysa bay dhaqso ugu noqonayaan.
Hadaba maxaa la gudboon dulminayaasha  iyaguna  waa inay wejiga cusub ee dagaaka ka diyaar garoobaan oo  wejiga cusub weji ay ku nabad galaan diyaar garaystaan tii Allah na meel  bay taal tii shaydaanka meel bay taal laakiin labada XUKUUMADOOD EE  KULMIYE ISKU Go’AAN BAY KA JOOGAAN  OO AH QAWDA-MAQASHII-WAXNA-HA U QABAN.  hubaal ayaan dhaw dagaalku markaluu dhacayaa maxaa yeelay soo duulayaashii  lama doonanayo halkaana loo dhaafimaayo haddaan cudurkani  kuba dhicin oo daaliminiinta  aanuu asiibin dhowaan.
Weli adduunka lama arag wax dawlad isku  sheega  oo qof ummad maalin walba  laynaya oo aan lasoo qabanayn, culimo ka hadlayn xaqa ee  ay quraankii iyo diintii la gabbanayaan, shacab aan  ummadnimo waxba ku falayn laakiin  qabiilnomo wax moodaya, wax garad aan  aan waxgaradka ahayn hadana wax garad sheeganaya oo   oo dulmi dugsanaya iyo daalimiin.
SOMALILAND  maanta ummadi kuma dhaqna , wadan iyo dawlad wada lihi laakiin  waa  meel  iska budhcadnimo isku hoggaamisa waana gabaabsi qaranimo oo waa la iska noolyahay. Madaxweynihii oo hogaamiye kooxeed loogu yeedho isna og in arinkaasi xaqqiiq yahay.
Bilaha soo socda waxan aan sheegayo eega run bay wada noqonayaane.
M Bashe

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker