Akhriso:Madasha Xisbiyada Somalia oo war kasoo saartay sida ay u aragto xil ka qaadista Kheyre

Muqdisho (OWN) – Madasha Xisbiyada Qaran ayaa maanta war kasoo saartay tallaabadii uu baarlamaanku kalsooni kala noqday xukuumada Kheyre, iyada oo uu si rasmi ah u ayiday Madaxweyne Farmaajo.

 

 

Madasha ayaa si weyn u cambaareysay xil ka qaadista lagu sameeyay Kheyre iyo xukuumadaasi, taasi oo ay sheegtay inay carqaladayneyso go’aannadii shirka Dhuusamareeb, isla markaana looga dan leeyahay muddo kororsi aan sharci aheyn.

 

 

War-murtiyeedkaasi kasoo baxay Madasha ayaa waxa kale oo lagu sheegay inay Madashu ka xuntahay in xiligan uu madaxweynuhu uu hormuud ka noqdo qalaalase siyaasadeed oo xaalad adag galiya dalka.

Madasha ayaa sidoo kale ku baaqay in xiligan kala guurka ay muhiim tahay ilaalinta sareynta sharciga iyo xasiloonida dalka, iyada oo ay ka go’antahayna.

 

 

Waxayna si adag uga digtay hanaan kasta oo la iskugu dayo muddo kororsi aan sharci aheyn, maadama xil ka qaadista Kheyre ay horseed u tahay hirgelinta qorshaha Villa Somalia.

Ugu dambeyntiina waxay soo jeedisay in la ilaaliyo is-fahamka siyaasadeed ee bilowga ah, iyada oo laga fogaanayo waxkasta oo keeni kara qalaalase siyaasadeed oo uu dalku galo.

Hoos ka aqriso war-murtiyeedka Madasha oo dhameystiran

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker