Maxaa Ka Jira In App-ka CJ ONSTYLE ‘lacagta laga sameeyo’ ee ay Soomaalidu ka daba dhaceen?

Tan iyo dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay ee 2021-kii waxaa soo kordhayay dadka daneynaya App cusub oo la sheegay in laga sameeyo lacago, kaasoo dadka la dhacay ay ku jiraan Soomaalida.

Waxaa Baraha bulshada ee Soomaalida ka sacday olole ay dadka qaar ku sameynayeen dhiirrigelin, iyagoo qof walba kula talinaya in uu soo degsado app-ka oo lagu magacaabo CJ ONSTYLE, oo ku shaqeeya telefoonka gacanta.

Maalmihii ugu dambeeyay ayuu sare usii kacay xiisaha. Haddaba waxaan eegeynaa su’aalaha ay bulshada isweydiinayaan ee la xidhiidha in lacag laga helo app-kan ma dhab baa mise waa been abuur?

 

Muxuu yahay CJ ONSTYLE?
Shirkadda CJ ENM oo muddo ka badan 10 sano jirtay ayaa bishii December soo bandhigtay app-kan oo ay ku sheegtay in lacag looga sameeyo dhanka dukaameysiga oo online ah.

Waxay shirkaddu ku tilmaantay barnaamijkan mid qofka uu faa’iido uga sameynayo maalgashi iyo inuu dad kale sii gaadhsiiyo.

Si aad lacag u hesho waa inaad iibsato badeecooyin ay shirkadda soo bandhigeyso oo kala duwan. Waxaase muuqata in qofku uusan awood u lahayn inuu wax kasta iibsado balse uu ku khasban yahay inuu lacag ku shubto si uu u gato waxyaabo cayiman oo loo qoondeeyay.

CJ ONSTYLE waxaa laga leeyahay waddanka Kuuriyada Koonfureed, waxayna xayeysiimo badan u sameeyeen barnaamijkan si ay dad badan u baraan. Saldhigga weyn ee shirkadda CJ waxa uu ku yaallaa magaalada Seoul ee caasimadda u ah Kuuriyada Koonfureed.

Ma dhab baa mise waa dhalnteed?
Sida ay qiimeyn ku sameeyeen bogag badan oo ka faallooda arrimaha la xidhiidha barnaamijyada internet-ka, sida Ecyberplanet iyo coolinglass, waa app aan la isku halleyn karin.

Waxay ku tilmaameen dhalanteed, iyagoo u cuskaday dhowr arrimood oo ay ka mid tahay in aan la garaneynin goorta uu hawada ka bixi karo iyo cidda loo raacan karo.

Marka gudaha loo galo appka kuma xusna macluumaad qeexaya qofka iska leh iyo sida ay macaamiisha ku heli karaan lacagahooda haddii ay wax isbaddalaan.

Sidoo kale bogga Quora oo dadka ay kusoo bandhigaan fikradahooda ayaa digniino badan looga jeediyay isticmaalka app-kan.

Sida uu Soomaalida u sameeyay
Waxaa jira dad Soomaali ah oo durba la dhacay shaqada app-kan oo ay lacago kasoo xareeyeen, sida ka muuqata baraha bulshada. Dadka qaar ayaa muuqaallo kasoo duubay iyagoo si toos ah lacag uga sameynaya barnaamijkan.

Qaar kale oo ka mid ah Soomaalida ayaa iyagana kasoo hor jeestay app-kan oo ay ku qeexeen mid aysan ku kalsoonaan karin.

Wax hadda billowha ma aha in Soomaalida iyo dadka kale ee caalamka ay xiiseeyaan waxyaabo ku shaqeeya dhinaca online-ka oo lacago laga sameeyo.

Dhowrkii sano ee lasoo dhaafay waxaa aad loo daneynayay barnaamijyo u shaqeeya sida sarrifka lacagaha, balse ku saleysan online. Waxaa ka mid ah Forex Exchange, oo mar si weyn looga daba dhacay.

Hase yeeshee barnaamijkan oo hadda dadka isticmaala ay yar yihiin ayaa lagu tilmaamay mid khasaare badan geliyay dadkii maalgashaday.

Hababka loogu khasaaray waxaa ka mid ah “in shakhsiyaad iyo shirkado ay dadka lacagaha ka qaadayeen iyagoo u sheegaya inay ugu shaqeynayaan, kaddibna ay mar qura la goosanayeen”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker