Qodobada lagaga hadlay Shirka Cimilada Afrika

Shirka cimilada ee Afrika ayaa lagu soo gebagebeeyey dalka Kenya, halkaas oo hoggaamiyayaasha Afrika ay ugu baaqeen beesha caalamku inay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo hoos loogu dhigayo, qiiqa hawada lagu sii daayo, isla markaana xil la iska saaro in la fuliyo waajiyaadka iyo ballamaha maaliyadeed ee lagula dagaalamayo isbedelada cimilada.

Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto oo ku hadlayey afka madaxda Afrikaanka ah ee shirkan ka soo qaybgashay ayaa sheegay, in heshiiska la isku raacay ee ka soo baxay shirkani inuu muujinayo sida ay dalalka Afrika uga go’an tahay inay gacan ka geystaan xallinta dhibaatooyinka ka dhasha isbedellada cimilada.

Shirkan ayaa Nairobi ka furmay maalinimadii Isniinta, iyada oo la soo gebagebeeyey maalinimadii Arbacada, waxaana diiradda lagu saaray korodhka cagaaraynta ee Afrika, in la helo ilo dhaqaale oo lagu taageeri karo tallaabooyinka wax lagaga qabanayo sababaha keena isbedelada cimilada, kuwaas oo saamayn ku yeeshay shucuubka qaaradda Afrika oo gaadhaya illaa 1.3 billion oo qof.

Hoggaamiyayaasha Afrika ayaa hoosta ka xariiqay, inay ka go’an tahay inay sameeyaan ama hirgeliyaan, siyaasado iyo xeerar soo jiidan kara maalgashiga gudaha, kuwa gobolka iyo kuwa caalamkaba, si kor loogu qaado horumar dhaqaale oo la jaanqaadaya deegaan bedqaba.

VOA News

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker