Kuuriyada Waqooyi oo diidday inay wada-hadal nabadeed la gasho Kuuriyada Koofureed

Kuuriyada Waqooyi ayaa diidday inay wada hadallo dheeraad ah la gasho Kuuriyada Koofureed, iyadoo go`aankeeda ugu yeertay “mid gebi ahaanba ka dhashay ficillada Kuuriyada Koofureed”.

Waxay soo saartay warbixin ay uga jawaabeyso khudbad uu shalay jeediyay madaxweynaha Kuuriyada Koofureed Moon Jae-in.

Dhanka kale, galinkii hore ee maanta oo Jimca ah Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabisay labo gantaal oo ay ku tuurtay badda, sida ay sheegeen milatariga Kuuriyada Koofureed.

Waa tijaabadii lixaad oo ay sameyso Piongyang wax ka yar bil gudaheed.

Labada gantaal ee aan la carrabaabin noocooda ayaa la ganay abbaarihii 08:00 (23:00 GMT shalay) waxayna jareen masaafo dhan 230km (140 miles).

Lix maalmood kahor, Kuuriyada Waqooyi ayaa Badda Japan ku ridday labo gantaal oo riddada gaaban ah.

Tijaabadan is daba joogga ah ayaa imaaneysa kaddib markii madaxweyne Donald Trump iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ay isku raaceen mar ay kulmeen bishii June inay dib u billaabaan wada hadallada nukliyeerka.

Kuuriyada Waqooyi ayaa horumarinta hubkeeda nukliyeerka ku muteysatay cunaqabateyn caalami ah.

Maxay Kuuriyada Koofureed ka tiri?
Khudbad uu ka jeediyay xuska markii ay Kuuriya xornimada qaadatay, ayuu madaxweyne Moon wuxuu wacad ku maray inuu mideyn doono gacanka Kuuriyada sanadka 2045.

Kuuriya ayaa labo dal u kala qaybsantay dhammaadkii Dagaalkii Labaad ee Dunida.

Madaxweyne Moon ayaa sheegay in hadafka guusha baabi`inta nukliyeerka ay tahay tan ugu muhiimsan, iyadoo wada hadallada Waqooyiga iyo Koofurta ay u muuqdaan kuwo aan miro dhal ahayn.

 

Madaxweynaha Kuuriyada Koofureed Moon Jae-in ayaa wacad ku maray inuu mideyn doono gacanka Kuuriya sanadka 2045
Sidee ayay Kuuriyada Waqooyi uga falcelisay?
War-saxaafadeed ay soo saartay, ayay Waqooyigu su`aal gelisay micnaha wada xaajoodka, haddiiba ay Koofurta sii waddo dhoollatuska milatari isla markaana laga wada hadlo danaha gobolka.

War-saxaafadeedka ayaa Moon lagu cambaareeyay: “Waxaan xitaa is weydiineynaa haddii fekerkiisa uu yahay mid la maqli karo marka uu soo hadal qaadayo ‘wada hadallo’ u dhaxeeya Waqooyiga iyo Koofurta isagoo ka dhawaajinaya qorshayaal 90 maalmood gudahood loogu wiiqayo ciidamadeenna.

“Xaqiiqdii waa nin aan xishooneyn.”

Kuuriyada Waqooyi ayaa caro ka muujisay dhoolla-tuska milatariga ee ay Kuuriyada Koofureed iyo Mareykanku wada jirka u sameynayaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker