Diyaaradaha Dagaalka Ee Dalka France Oo Duqeyn Ka Bilaabay Dalka Chad

Diyaaradaha dagaalka ee Faransiiska ayaa Isniintii shalay duqeyn ka geystay waqooyiga wadanka Chad, kadib markii ay halkaasi soo galeen kooxo hubeysan oo kasoo tilaabay xaduuda dalka Liibiya.

Dowlada Chad ayaa la sheegay inay ka codsatay ciidamada Faransiiska inay gacan kasiiyaan sidii looga hortagi lahaa kolonyo gaadiid dagaal ah oo gaaraya 40 oo kasoo gudbay xadka wadanka Liibiya kuwaasi oo 400km gudaha usoo galay wadanka Chad.

Militariga France ee ku sugan dalkaasi Chad ayaa qeyb ka ah hawlgalka la dagaalanka Argagaxisada, waxayna saldhig ku leeyihiin duleedka caasimada wadankaasi ee N’Djamena.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker