Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping oo booqasho ku tegay Moscow
ย
Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa maanta gaaray magaalada Moscow, isaga oo sheegay in booqashadii ugu horreysay ee uu ku tago Ruushka, tan iyo markii uu billowday dagaalka Ukraine ay โdardar cusubโ gelin doonto xiriirka labada dal.
โWaxaan ku kalsoonahay in booqashada ay miro dhali doonto, islamarkaana dardar cusub siin doono xiriirka caafimaadka qaba ee degan ee Shiinaha iyo Ruushka,โ ayuu yiri isaga oo ku sugan garoonka diyaaradaha Moscow, sida ay sheegeen wakaaladaha wararka Ruushka.
Xi ayaa waxaa roog cas kusoo dhoweeyey saraakiisha militariga iyo raโiisul wasaare ku-xigeenka Ruushka Dmitry Chernyshenko.
Xi ayaa xiriirka labada dal ku qeexay inuu galayo โwaa cusubโ isaga oo ku celiyey hadallo uu toddobaadkii tegay jeediyey Yuri Ushakov, oo ka mid ah kaaliyayaasha Kremlin-ka, kaasi oo sheegay toddobaadkii tegay in Xi iyo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ay saxiixi doonaan dokumentiyo xaqiijin doona xiriir sidan ka dhow.
โDunidan isbeddelka badan, China waxay sii wado doontaa inay Ruushka kala shaqeyso ilaalinta hanaanka caalamiga ah oo QM xuddun u tahay,โ ayuu yiri Xi, sida ay ku warrameen wakaaladaha wararka Ruushka.
Wuxuu sidoo kale Shiinaha iyo Ruushka ku qeexay โderis wanaagsanโ iyo โsaaxiibo la isku haleyn karo.โ
AFP