Dr Abbiy Ahmed Waxaan ku Leeyay ,Suudaan Ma aha Somalia ,, Gabadh ka mida Mudaharaadyaasha Suudaan

Waxa baraha Bulshada ee ay Somalidu ku xidhiidho si wayn looga hadal hayaa hadal qoraal ah oo ay Gabadhii ku caan baxday mudaharaadadii Sudan ee Alaa Salah ay soo dhegtay barteeda Tweeter-ka, hadalkaas oo loo micnaystay inay ku aflagaadaynaysay Umada Soomaaliyeed.

Alaa Salah oo wax ka qoraysay Booqashada Raysal Wasaare Abiy Ahmed ee dalkaasi Sudan ayaa tidhi “Raysal asaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa yimid Khartuum, Waxana ku yimid booqasho uu ku micneeyay mid uu rabo inuu dadaal ku bixiyo sidii uu isugu soo dhawayn lahaa Hogaamiyayaasha Milatariga iyo Mudaharaadayaasha, “Laakiin Sudan Ma Aha Somaliya”

Hadalka ka soo yeedhay gabadhan ayaa loo falanqeeyay dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin in Somalia ay Ethiopia u yeedhiso wax walba oo ay rabto, In Somalia ay kala qayb-san tahay, In Somalia aysan lahayn karti ay ku xalisato amuuraha dhexdeeda ah, in Somalia ay Tusaale u tahay wax walba oo xun oo bulsho ka dhiidhido, In Somalia ay tahay meel aanu shacabkeedu dawladooda qiimayn Iyo aragtiyo badan oo la xidhiidha Duliga iyo Dawlad Laaanta Somalia ku habsatay midada 29-ka Sano Ah ee ay Burbursan tahay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker