Khubaro Baareysay Asalka COVID-19 oo Loo Diiday In ay Galaan Dalka Shiinaha

 

Koox ka socota Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa loo diiday in ay galaan dalka Shiinaha.

Kooxdan ayaa ujeedkoodu ahaa in ay baaritaan ku sameeyaan halka uu ka soo jeedo xanuunka COVID-19 oo dabayaaqadii 2019-kii ka dillaacay dalkaas kaddibna ku faafay dunida inteeda kale.

Hay’adda oo ka hadashay arrintan ayaa sheegtay in kooxdii ka socotay loo diiday dal-ku-galkii ayku tagi lahaayeen Shiinaha.

Beijing ayaa horay u oggolaatay baaritaan lagu sameeyo xanuunkan kaddib wadahallo bilo socday oo ay la yeelatay WHO.

Bishii December ee 2019 ayay ahayd markii ugu horreysay xanuunkan lagu arkay suuq ku yaalla Wuhan ee dalka Shiinaha.

Agaasimaha guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in uu ka niyad jabay in Shiinuhu aanu wali soo saarin oggolaansha dal ku galka ee kooxda ka socota hay’adda.

WHO ayaa koox ka kooban 10 qof oo baarayaal caalami ah u diyaarisay in ay xog buuxda ka keenaan asalka xanuunka Korona iyo waxa dhaliyay in uu aadanaha u soo tallaabo.

Horay ayaa loo shaaciyay in baaritaankaasi uu billaaban doono bishan January.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker