Haweenka Xisbiga Kulmiye oo Qawaday Xilalka uu Madaxwayne Biixi ka Siiyay Xukuumadiisa

Hargeysa (OWN) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horraysay ka hadlay sababta keentay in haweenka oo ololihii Doorashadii ee Kulmiye ka soo qaatay kaalinta ugu ballaadhan ay xilal tiro badan uga qaban waayeen Xukuumaddiisa.

 

 

Madaxweynaha oo Shalay booqday xarunta Xisbiga KULMIYE ee Magaalada Hargeysa ayaa khudbad dheer u jeediyey Haweenka Xisbigaasi ayaa kaga jawaabay su’aalo badan oo uu isagu isku waydiiyey khudbadda dhexdeeda, su’aalahaasi oo ay ka mid tahay sababta dumarka oo door wanaagsan ka soo qaatay ololihii doorashada Kulmiye ay xilal badan uga waayeen Xukuumadda.

 

 

 

Madaxweynaha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Aniga iyo Wasiirrada ila socda waxa noo sharaf ah inaanu nimaadno Xarunta Xisbiga KULMIYE oo aanu la kulano Haween-weynaha Xisbiga KULMIYE ee Xisbiga u ahaa laf-dhabarta. Waxaanu ognahay dhibtii idinka soo gaadhay doorashada iyo hawsha aad u marteen dumar ahaan inay ahayd tii u badnayd markhaati baanu ka nahay.”

 

 

 

Madaxweynuhu wuxuu sheegay “Haddaad na waydiisaan Mansabyadii Dawladda maxay Haweenku ka haleen, waxaanu ku jawaabaynaa waxay ka heleen inta ugu yar, labadaasi miyey is-qabtaan haddii nala waydiiyana, waxaan leeyahay Duruufta dalkeenu marayo, dhaqankeena iyo garaadka dadkeena inta badan sidaynu Maanta u dhaqano ayaa keentay oo qasabtay inaad hawsha ol’oleyaashana dhibta u badsataan, marka Manaasibka Dawladda la qaybinayana aanay habluhu wax badan helin,

 

 

Waa heer ay Maanta marayso dhammaan Bulshadu meel ay joogtaba. Marka Manaasibta la qaybinayo Dumarka xagga dambe loo mariyaa, waa Su’aal taalla oo la isla garan la’yahay inay arrintaasi qalad tahay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in aanay Diinta Islaamku reebayn dumarka “Diinteena Islaamku dumarka may reebin, waynu ognahay Dawladaha Dadka Islaamka ah ee ugu badani ku nool yahay, sida Pakistan, Bangaladheesh, mar walba waxa dalka hoggaamiya oo ka Raysal-wasaare ah Haween, markaa Diinteenu dumarka ma reebin, waxa is garab gala marmar badan dhaqamada Dadka oo siyaasadda ka xoog weynaada, dhaqamada Dadka oo horumarka sayniska iyo ilbaxnimada dadka ka hor-yimaadda.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker