Bayaan taageerada Heshiis Nabadeedka ka dhacay Shabeellada dhexe

Odayaasha,siyaasiyiinta, ganacsatada iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada ka soo jeeda gobolka banaadir iyo hirshabeelle iyo Galmudug ayaa soo saaray bayaan ay ku taageerayaan heshiiskii nabadeed ee ka dhacay magaalada Cadale ee gobolka shabeelada dhexe 01/09/2018.Heshiiskan ayaa waxaa lagu afjarey qulqulatooyin soo noqnoqday oo beelaha walaalaha ee Celi Cumar iyo Cabdala Caroone dhaxeeyey in muddo ah.

 

Bayaankan ayaa ah mid lagu taageerayo is afgaradka iyo heshiiska nabadeed ee dhexmaray labada beelood ee walaalaha, haddaba haddaanu nahay bulshada ka soo jeeda deegaankaas, Waxa aanu  si weyn taageeraynaa  soona dhaweynaynaa heshiiska nabadeed ee laga gaaray colaadihii sokeeye ee labada beelood.

 

Bayaankan ayaa waxaa soo saaray odayaasha,waxgaradka,duubabka,siyaasiyiinta, ganacsatada,dhalinyarada iyo haweenka oo isku duuban. Waxaanu si wadajir taageero ah u diraynaa dowlad goboleedka Hirshabeelle, maamulka gobolka shabeellada dhexe iyo odayaasha dhaqanka ee u istaagay soo afjarida colaadii muddada dheer ka dhex taagnayd beelaha walaalaha ah ee ku wada dhaqan gobolka shabeelada dhexe. 

 

Anagoo ku hadlayna magaca dhammaan bulshawaynta ka soo jeeda deegaankaas ee ku kala nool dunida dacaladeeda dal iyo dibadba waxaan leenahay waa eebbe mahadii haddii la joojiyey dhiigi ujeeddo la’aanta ku daadanayey, layskana afgartey arrimihii iyo ismaandhaafkii jirey, waxaan kale oo ku bogaadinaynaa dhammaan intii isu xilqaantey inay heshiis ka dhex dhaliyaan walaalaha is qoomey. Nabad ayaa lagu gaaraa guul iyo baraare, horumar iyo wanaag, Colaad maanta tan cadaawaha kale ayaa noogu filan, waa in gacmaha lays qabsadaa oo walaalnimada iyo wada noolaanshaha la dhawraa.

 

Waxaannu baaq u direynaa dhammaan bulshada deegaanka inay si isku duubni ah u taageeraan deegaannada colaado ka dhacday oo gurmad iyo garaba la siiya, si ay uga soo kabsadaan dib u dhacii ku yimid.

 

Eebba mahad leh

 

Soo saarayaasha Bayaanka.

 

Guddiga wacyigelinta iyo abaabulka deegaanka

Iyo Madasha Banaadir(Banadir Forum)

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker