” Ma ogolin in Maraykanka Duqeyn ka geysto gudaha Kenya …” Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inaanay  dowladiisa marnaba aqbali doonin in Maraykanka duqeyn dhanka cirka ah ka geysato gudaha wadankooda.

Kenyatta oo safar shaqo ku tagay dalka France ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyey Telefishinka dalkaasi ee France24 uga hadlay caqabadaha hortaagan dowladiisa iyo la dagaalanka argagaxisada.

Madaxweynaha Kenya ayaa la weydiiyey in Maraykanka ka codsaday in diyaaradahooda Drone-ka ay duqeyn ka geystaan gudaha Kenya, wuxuuna beeniyey wararkaasi balse wuxuu intaasi raaciyey in xaalada aanay  weli heerkaasi gaadhin!

Waxaa la weydiiyey falalka & Dagaalada ka dhacay xaduuda Kenya iyo Soomaaliya, inay ku kooban tahay oo kaliya la dagaalanka Argagaxisada?

Wuxuu Kenyata sheegay inay dhankooda dadaal wadaan isla markaana xidhiidh wanaagsan oo wada-shaqeyn la leeyihiin dowlada Soomaaliya.

Mar la weydiiyey goorta ay ciidamada Kenya kasoo bixi doonaan Soomaaliya, ayuu sheegay in aanuu  taasi hada ogeyn wakhtiga ay noqon doonto!

 

Hadalka Kenyatta ayaa kusoo beegmaya xili diyaaradaha dagaalka Kenya ay duqeyn ka wadaan gobalka Gedo ee Soomaliya.

Dowlada Maraykanka ayaa sheegta in duqeynta ay ka geysato gudaha Soomaaliya ay fasax uga heysato dowlada Federaalka Soomaaliya, hase yeeshee dowlada Soomaaliya ayaan ka hadal duqeynta Kenya ka wado Gedo in ay iyaga u fasaxeen iyo in kale?

 

Wareysigan ayaa sidoo kale su’aalo looga weydiiyey musuq maasuqa ka jira dowladiisa, xiisada ka taagan Baarlamaanka Kenya, cudurka Covid19 iyo hawlaha horumarinta dalka Kenya.

 

Halkan Hoose ka daawo Wareysiga oo dhan

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker