Israa’iil oo ka careysan ninka loo oggolaaday in uu gubo kitaabada Towreedka iyo Baybalka

Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa ugu baaqay dowladda Sweden in ay joojiso mudaaharaadka lagu gubayo kitaabada Towreedka iyo Baybalka, kaas oo lagu wado in uu maanta ka dhaco meel ka baxsan xafiiska diblomaasiyadda.

Madaxweynaha Israa’iil ayaa yiri “Anigoo ah madaxweynaha dawladda Israa’iil, waxaan cambaareeyay gubitaanka Quraanka, oo ah mid muqadas u ah Muslimiinta adduunka oo dhan, waxaana hadda aad uga xumaaday in isla qaddarkaas uu sugayo Baybalka Yuhuudda, oo ah kitaabka daa’imka ah ee Yuhuudda,” Isaac Herzog ayaa sidaas ku yiri bayaan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil Eli Cohen ayaa sheegay in uu ugu baaqayo mas’uuliyiinta Sweden in ay ka hortagaan dhacdadan foosha xun oo aysan ogolaan in la gubo kitaabka Tawreed-ka.

Golaha Jaaliyadaha Yuhuuda ee Sweden ayaa ka xumaaday go’aanka booliiska ee lagu fasaxay mudaaharaadka uu dhaco.

Bishii la soo dhaafay, magangelyo doon u dhashay dalka Ciraaq oo Masiixi ahaa ayaa kitaabka Qur’aanka Kariimka ku gubay bannaanka Masjid ku yalla Stockholm, xilli lagu jiray munaasibadda Ciidda Ciidul-Adxa ee ugu weyn Muslimiinta, taasoo dhalisay cambaareyn ballaaran oo Caalamka Islaamka ka dhacday.

Arbacadii, hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka ayaa si aqlabiyad ah u ansixisay tallaabo ugu baaqaysa waddammada inay wax badan ka qabtaan sidii looga hortagi lahaa nacaybka diimeed ee ka dhashay gubashada Qur’aanka.

Waxa la ansixiyay iyadoo ay diidmo ka muujiyeen waddamada reer galbeedka oo ka baqaya in tillaabooyinka adag ee dowladuhu ku tuman karaan xorriyadda hadalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker