Tahriibayaal gaaraya 20 oo ku dhintay xeebta Madagascar

Laba iyo labaatan qof oo tahriibayaal ah ayaa ku dhintay Madagascar ka dib marrkii doon ay la socdeen ay kula dhacday xeebta iyaga oo ku sii jeedda jasiiradda Mayotte ee dalka Faransiiska.

Saddex iyo labaatan qof ayaa la badbaadiyay iyadoo wali la baadi goobayo dadka qaar oo welii la la’yahay, sida ay sheegtay wakaalada badaha Madagascar.

Hay’adda ayaa sheegtay in muhaajiriintaasi ay si qarsoodi ah doonta ugu qaadeen Mayotte.

Waxay sheegtay in shilkani dhacay Sabtidii. Inta badan dadkii la soo badbaadiyay ayaa baxsaday si aan loo xirin, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters ka soo xigatay sarkaal booliis ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker