Xisbullaah iyo Israa’iil oo qarka u saaran dagaal haddii aan la fulin hal shardi

Hoggaamiyaha ururka Xisbullah ee dalka Lubnaa, Xasan Nasrallah, ayaa ka digay in haddii ay Lubnaan “xaq” u yeelan wayso ka faa’iidaysiga saliidda ku xirta dhulka ku dhow xeebahooda “aysan cid kalena” u oggolaan doonin inay ka howlgasho halkaas.

Nasrallah ayaa yiri: “Haddii aad dowladdeenna siin waysaan xuquuqda ay rabto, annaguna waxaan garaaci karnaa miiska.”

Hoggaamiyaha Xisbullah ayaa sheegay in dagaalka “uga sharaf badan yahay xaaladda ay hadda wajahayso Lubnaan”.

Lubnaan iyo Israa’iil ayaa wadaaga xuduud ku taalla dhinaca bari ee Badda Mediterranean-ka, waxayna ku muransan yihiin lahaanshaha gaas ku jira halkaas.

Horay waxay labada dhinac isugu raaceen in ay gali doonaan wadaxaajood ku saabsan arrintaas oo uu dhexdhexaadiyo Mareykanka, si go’aan looga gaaro xadka dhinaca badda iyo isticmaalka saliidda iyo gaaska.

Wadaxaajoodyadan ayaa billowday bishii October ee sanadkii 2020-kii.

Xasan Nasrallah

Balse waxay u muuqataa in wadaxaajoodyadaas aan wax xal ah lagu gaarin.

Lubnaan ayaa rajo ka qabta inay billowdo soo saarista kheyraadka gaaska ee ka baxsan xeebaha maadaama ay la daalaa dhacayso dhaqaale xumada saamaynta ba’an ku yeelatay sannadihii dmabe.

Bishii lasoo dhaafay, waxa ay dowladda Lubnaan ka carootay dhismaha warshad saliidda iyo gaaska kasoo saarta gobolkaas, waxayna Israa’iil ku eedeysay inay abuurayso xarumo ka howl gala dhulka lagu muransan yahay.

Hase yeeshee Israa’iil ayaa sheegtay in warshadahaas aysan ugu talogalin meelaha uu muranka ka taagan yahay ee labada dal ay ka xaajoonayaan.

Waxaa lasoo tebiyay in wadahadalladaas aysan hadda waxba ka soconin.

Xisbullah oo ka jawaabaysay tallaabada lagu eedeeyay Israa’iil ayaa sheegtay in ay 2-dii bishan July saddex diyaaradood oo uusan duuliye saarnayn u dirtay aagga Israa’iil ay gaaska kasoo saarayso.

Xasan Nasrallah

Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa dhankooda sheegay in dhammaan saddexdaas diyaaradood la qabtay, lana burburiyay.

Xasan Nasrallah ayaa sheegay in weerarka ay diyaaradooda qaadeen ay ujeeddadiisa ahayd si halkaas looga abuuro amni darro lagu cabsi galinayo shaqaalaha.

Waxa uu digniin u diray Israa’iil, wuxuuna yiri: “Diyaaradaha drones-ka ee dhawaan la diray waa billow oo kaliya”.

Khudbadda uu jeediyay ayuu ku sheegay in haddii Lubnaan loo safixi waayo saliidda iyo gaaska ay iyaguna xaqiijin doonaan in aysan cid kale soo saarin ama iibinin.

Nasrallah ayaa dowladda Lubnaan ugu baaqay in ay wadahadallada si dadban ugu adeegsadaan awoodda Xisbullah.

Waxa uu sheegay in Israa’iil iyo Mareykanka ay heleen farriinta Xisbullah, wax dan ahna aysan ka lahayn inay farriinta ku helaan gudaha Lubnaan iyo inkale.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker