Xukuumadda Somaliland Ayaa Dhaliilo Culus Ujeedisay Warbaahinta Madaxa-banaan + Maxay Ku Qoonsatay.

Hargaysa-(OWN)-Xukumadda somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Biixi ayaa dhaliilo culus u jeedisay warbaahinta madaxa-banaan ee somaliland, Wasiirka arrimaha dibada somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) wuxuu Warbaahinta ku eedeeyay inay ka been abuurtay Xidhiidhka Somaliland Iyo Itoobiya. Wasiirka oo khudbad u jeediyey Jaaliyadda Somaliland ee Magaalada Washington DC, ayaa sheegay in Xidhiidhka diblumaasiyadeed ee Somaliland iyo Itoobiya aanay waxba ka beddelin isbeddellada siyaasadeed ee ka socda Geeska Afrika, marka fursad la helana ay Madaxda labada Waddan kulmayaan. Wasiirku wuxuu Qurbe-joogta ka Raalli-geliyey Habka ay Warbaahinta Somaliland Wararka uga tebiso Dalka, habkaasi oo uu xusay inuu Wer-wer ku abuuro
Muwaadiniinta Dalka dibeddiisa ku nool.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker