Agaasimihii Xafiiska Wasiirka Arimaha Dibedda Soomaaliya Oo Shaqada Laga Eryay, Kadib Markii Uu Taageeray Xidhiidh Lala Yeesho Yuhuuda Israel

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee DFS, Axmed Ciise Cawad ayaa la sheegay inuu shaqada kacayriyey Cabdillaahi Axmed Dool oo ahaa Agaasimihii Xafiika Wasiirka, kadib, markii uu Sarkaalkaasi bartiisa Twitterka ku soo qoray Qoraal uu ku taageerayo inay Somalia xidhiidh la yeelato Israel.

 

Cabdillaahi Axmed Dool waxa uu Twitter-kiisa k uqoray inaysan diplomaasiyad ahaan wax dhibaato ah la lahayn inay Somalia xiriir Diplomaasiyadeed la yeelato Israel, wuxuuna sheegay inay danteenu tahay inaan soo dhaweyno Israel.

 

Waxa kale oo uu Qoraalkiisa ku xusay inay Shacabka Reer Falastiin yihiin dad khasaaray, gaar ahaan Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee XAMAAS oo uu ku tilmaamay inay afduubteen dadkooda ku nool Qasa.

Dhinaca kale, Boqolaal qof ayaa waxay baraha Twitter-ka si kulul ugu naqdiyeen qoraalkii C/llaahi Dool, iyagoo sheegay inay arrintaasi tahay Fal Maangaabnimo, isla markaana aysan marnaba Ummadda Soomaaliyeed raalli ka noqon karin in wax xidhiidh  Diplomaasiyadeed lala yeesho Israel.

 

Cabdillaahi Axmed Dool

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker