Siyaasi Jawar Maxamed Oo Eedeeymihii ugu Cuslaa ku Ganay Raiisul wasaare Abiy Axmed
Jawar Maxamed oo ah Siyaasiga ugu Wayn ee Mucaaridka ku ah Xukuumada Itoobiyaย Ee uu Hogaamiyo Raiisul wasaare ahmed Abbiy ayaa ku eedeeyay Raโiisul wasaare Abiy Axmed in uu wado handaad isla markaana Xisbiga haya talada uu wado Tallaabooyin sharciga ka baxsan oo uu awoodda kusii Xoojisanayo.
โMa jirto Awood dastuuri ah oo uu kusii joogi doono..waxaa jiri doonaa wakhti ay awoodda iska banaanaan doontoโ ayuu yidhi Jawaar.
Raโiisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ka digay in uu tallaabo ka qaadi doono Siyaasiyiinta mucaaradka ee isku dayayo in awoodda ay la wareegaan iyagoo ka faaโideysanayo jahwareerka uu horseeday cudurka corona.
โHase yeeshee, cudurka safmarka ee Covid-19 ee dalka Itoobiya soo gaadhay ayaa nagu kalliftay inaan doorashada dib u dhigno.โayuu yidhi Raiisul wasiire ahmed abbiy.
Dr Abiy Axmed oo xaaladda dalka Itoobiya uu ku sugan yahay warbaahinta dalka Itoobiya shacabka farriin uga tabiyey wuxuu sheegay shacabka waxyaabaha ay Xuquuqdooda ku meelmarsadaan iney ka mid tahay doorashada guud oo dalka ka qabsoonta taasoo ah xuquuq dimuqraadiyadeed oo ay muwaaddiniintu leeyihiin.