Ilhaan Cumar oo diidday inay hor fariisato madaxweynaha Israa’iil

Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa diidday inay ka qeybgasho hadal-jeedinta madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog oo lagu wado inuu Arbacada soo socota khudbad ka jeediyo fadhiga wadajirka ah ee Congress-ka Mareykanka.

“Bishii lasoo dhaafay, waxaan kasoo horjeestay martiqaad loo fidiyay Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi si uu uga hadlo fadhiga wadajir ah, sababtuna waxay aheyd halka dowladdii ka taagan tahay xaquuqda aadanaha. Bishanna kama qaybgeli doono khudbad la mid ah oo uu jeedinayo madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog.” ayay Ilhaan kusoo qortay barteeda Twitter-ka.

“Ma jirto si aan uga qaybgalo khudbad uu fadhiga wadajirka ah u jeedinayo madaxweyne waddankiisu i mamnuucay oo Rashida Tlaib u diiday inay soo aragto ayeydeed.” ayay raacisay.

Waxay ku eedeysay dowlada Israa’iil ‘inay si cad wacad ugu martay inay burburin doonto rajada dowladnimo’ ee Falastiin.

Xubnaha Jamhuuriga ee Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa bishii Abril u codeeyey inay Ilhaan Cumar oo Dimoqraadi ah ka saaraan Guddiga Arrimaha Dibedda, ayaga ku eedeeyey hadallo ka dhan ah Israel.

Laakiin bishii June ayaa loo magacaabay ku-xigeenka hoggaanka xubnaha xisbiga dimoqraadiga ee Guddiga Miisaaniyadda ee Aqalka Wakiilada Mareykanka. Guddigan ayaa mas’uul ka ah dejinta heerarka kharashka guud ee dowladda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker