Putin oo hakiyay ka qeybgalka heshiiskii hubka ee kala dhexeeyay Mareykanka
Madaxweynaha Ruushka Putin ayaa hakiyay ka qeybgalka dib u bilaabidda heshiishka istaraatiijiyadeed ee hubka ee u dhexeeyay Mareykanka iyo Ruushka.
“Waxaan maanta ku khasbanahay in shaaciyo in Ruushka uu hakinayo ka qeybgalka heshiskii istaraatiijiga ahaa ee hubka”.
Wuxuu intaa ku daray in Ruushka uu diyaar u yahay in uu tijaabiyo hubka Nukliyeerka waa haddii marka hore uu Mareykanka qaado tallaabadaas.