Madaxwayne Ordegan oo La Filayo inuu Caawimo u soo Diro Somalia
Dowladda Turkiga ayaa qalab caafimaad usoo direysa Soomaaliya, si looga caawiyo dagaalka ay kula jirto faafitaanka cudurka Coronavirus, kadib amar kasoo baxay madaxweyne Erdoฤan, waxaa sidaas sheegay Afhayeenka madaxweynaha.
โMaanta, ayada oo la fulinayo amarrada madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan, diyaarad xamuul oo ay ku jiraan qalab caafimaad, maaskaro, aaladaha lagu sameeyo tijaabada Coronavirus iyo qalab kale, ayaa u baxeysa Soomaaliya, si looga caawiyo dagaalka COVID-19,โ ayuu yidhi Ibrahim Kalin, oo qoraal soo dhigay twitter-ka Jimcihii.
Kaalin ayaa sheegay in Turkey ay sii wadi doonto inay Soomaaliya iyo dalalka kale ee Afrika ku garab taagnaato dhib kasta oo ay wajahayaan.
Kalin ayaa xusay in Erdigan uu ahaa qofkii indhaha caalamka kusoo jeediyey Soomaaliya sanaddii 2011, xilligaasi oo uu booqday ayada oo kumanaan qof oo Soomaali ah ay u dhinteen macluul ka dhalatay abaar xooggan oo dalka ku dhufatay.
Today, by instructions of President Recep Tayyip Erdoฤan, a cargo load of medical supplies, masks, overalls, test kits and other equipment is going to Somalia to help them against COVID-19.
Turkey stands together with Somalia and Africa against all calamities.