Israa’iil oo weerar ku qaadday dalka Lubnaan

Milatariga Israa’iil ayaa duqeymo dhanka cirka ah ku qaaday bartilmaameedyo ay leeyihiin kooxda Falastiniyiinta ee Xamaas ee koonfurta Lubnaan iyo Marinka Qaza.

Milateriga ayaa sheegay in weerarradan ay jawaab u ahaayeen 34 gantaal oo laga soo riday Lubnaan Khamiistii laguna garaacay waqooyiga Israa’iil.

Gantaalladan ayay Israa’iil ku eedeysay kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas. Maleeshiyada Qaza ayaa dhankooda tobnaan gantaallo ku garaacday Israa’iil .

Xiisaddan ayaa ka dhalatay ka dib markii booliska Israa’iil ay weerareen masjidka barakeysan ee Al-Aqsa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker