Ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacanta ku dhigay madaxa qaraxyada Al-shabaab u qaabilsanaa gobolka Mudug

Ciidanka xoogga Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay madaxa qaraxyada kooxda Al-shabaab u qaabilsanaa gobolka Mudug, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee SONNA.

Ninkan oo lagu magacaabo Salmaan, ayaa la sheegay in uu gaari ku waday agabka laga sameeyo waxyaabaha qarxa iyo daawooyin xilligii la soo qabanayay.

Dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa si xooggan uga socdo deegaanada iyo degmooyinka maamulka Galmudug.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker