“Madaxweyne reer Awdal ka daa ciidanka iyo cabudhinta SNM iskuma waafaqsanine”

“Madaxweyne reer Awdal ka daa ciidanka iyo cabudhinta SNM iskuma waafaqsanine”

W/Q: Wasiir hore Axmed Muumin Seed.

“Fariin Furan oo ku Socota Madaxwaynaha Qaranka Somaliland
____________________________
1. Madaxwayne dalku waa dal ay wada daganyihiin dad kala duwan Aftirsiin islana ogol dawladnimadda somaliland hasayeshee iskuma wafaqsana SNM sidaas awgeed waa inaad ogsonaantaa hadii la hanan waayo dadka daga goboladda darafyada waxa khatar ku sugan jiritaanka somaliland

2. Madawxayne waa in aad ogsonaataa in aan marnaba lagu kasban karin dadka reer Awdal cabudhin, ciidamo iyo awood, haddii awood lagu xajin karo dad, somalilaand kamay tagteen somaliya

3. Madaxwene ka daa cabudhinta iyo ciidamadda dhaliyarada gobolka Awdwal aad u dirtay ee si ay cadaw ladagalamayaan gawaaadhida hubaysan lagu argagax galinayo, ogowna arinta laascanood ee faraha kasii baxaysa waxay ka bilamatay sidaas dhaliyarada Awdal oo kale

4. Madaxwayne waxaan ku xasusinayaa gabay uu hore utiriyey abwan gaariye oo tilmaamayey waxa dhici doona waxa uu yiri;-

♤Dharar baa iman doonta
♤ dadka sool iyo awdal
♤ee adanow hagrateen Raacdadoodu adkaato lagu raadsho ilays

abwaan gaariye AHN”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker