Kooxda Alshabaab oo khal khal Galisay Isu socodka Magaalooyinka Waqooyi bari ee Dalka Kenya

Waxaa maalintii labaad kala xanniban dhaqdhaqaaqyadii la isugu kala gooshayay magaalooyin ku yaalla gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, cabsi dhinaca amniga ah awgeed.

Laamaha ammaanka ee Kenya ayaa sheegay in rag hubeysan oo la tuhunsan yahay inay Al-Shabaab ka tirsan yihiin lagu arkay waddada muhiimka ah ee isku xirta magaalooyinka Mandheera iyo Ceelwaaq.

Dad rakaab ah oo saarnaa basaskii u socday ama ka baxayay magaalada Mandheera ayaa xayiran, waxaana jira walaac xooggan oo laga qabo in weerar lagu qaado gaadiidka ay shacabka la socdaan.

Axmed Maxamed Axmed, oo ka mid ah rakaabka ku go’doonsan meel u dhow magaalada Mandheera ayaa laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da u sheegay in weerar lagu qaaday gaari ay wax yar ka dambeeyeen.

“Baabuur naga horreeyay oo Land Cruiser ah ayaa dhexda loo galay, waana la xabadeeyay, darawalkii ayaa nasoo wacay oo nagu yidhi: ‘waddadu waa khatar’, iyagiina way badbaadeen laakiin muraayadihii gaariga ayey xabadda ka burburisay. Annagu xalay waxaan xalay ku hoyanay Ceelwaaq, haddana waxaan taagannahay tuulo la yiraahdo Gaari oo u dhow Mandheera”, ayuu yidhi Axmed.

 

 

Axmed oo ay la socdaan wiilkiisa iyo xaaskiisa ayaa, sida uu noo sheegay, ka mid ah 65 ruux oo saaran baska xayiran, kaasoo markii hore ka tagay magaalada caasimadda ah ee Nairobi.

Mar uu ka hadlayay xaaladda shacabka rakaabka ah ayuu yidhi: “Dadka aad bay u rafaadsan yihiin, safar saddex maalmood ah ayey ku jiraan, lugaha ayaa bararay, Alle waxaan ka baryeynaa inuu dhibkan naga fududeeyo”.

Rajada kaliya ee ay qabaan ayaa ah in ciidamo xoog leh laga soo diro Mandheera, si ay amnigooda u sugaan inta ay waddada socdaan.

Gawaarida ka taga Nairobi ee ku wahan Mandheera ayaa ku khasban inay sii maraan Ceelwaaq, maadaama horay cabsi darteed looga go’ay jidkii toos u tagi jiray Mandheera, ka dib markii ay weerarro ka dhaceen.

Sidoo kale waxaa hakad la galiyay basaskii kasoo baxayay mandheera iyo kuwa magaalooyinka kale ka tagaya ee ku wajahan dhinaca Mandheera.

Xiriir aan la sameynay mas’uuliyiinta laamaha ammaanka ee gobolka ayaan noo suurtagalin.

Cabsida ku aaddan dagaallameyaasha Al-Shabaab ee waddada gala ayaan la fududeysan karin, iyadoo la xasuusto in dhowr sano ka hor ay kooxdan sheegatay mas’uuliyadda weerarro lagu bartilmaameedsaday basaska rakaabka, oo dad farabadan lagu laayay.

Weerarkii Baska ee Mandheera

22-kii bishii Nofembar ee sannadkii 2014-kii ayey koox hubeysan weerar argagax dhaliyay la beegsadeen bas ka soo baxay magaalada Mandheera, kuna sii jeeday caasimadda Nairobi, kaasoo ay wadda u galeen.

Dableyda oo baska afduubatay ayaa kala soocday 60 ruux oo rakaab ahaa, iyagoo toogasho ku dilay 28 ruux oo ay u garteen in aysan muslimiin ahayn.

Kooxda Al-Shabaab oo dusha u ridatay mas’uuliyadda weerarkaas ayaa sheegtay inuu arrgoosi u ahaa howlgallo baaxad leh oo ay ciidamada amaanka ee Kenya ka fuliyeen masaajidyo ku yaalla magaalo xeebeedka Mombasa, iyagoo ku ugaarsanayay xubno lagu tuhunsanaa inay xag jir yihiin.

Waxaa ka dambeeyay weerarro kale oo lagu beegsaday macallimiinta aan deegaanka ka soo jeedin, taasoo sababtay in guud ahaanba ay macallimiinta tayada leh ku yaraadaan gobolka Waqooyi bari.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker