Xisbiga Waddani Oo Xukuumadda Somaliland Ugu Baaqay inay Joojiso Wada-hadallada ay Rabto inay La Furto Somalia

Hargeysa (OWN) – Xisbiga mucaaradka ee WADDANI ayaa Xukuumadda Somaliland wuxuu ugu baaqay in Wada-hadallada  ay la Leedahay Soomaaliya gabi ahaanba meesha laga saaro, waxaanu sabab ugu dhigay Cadaawad iyo faragalin uu sheegay in Dawladda Farmaajo waddo.

 

 

Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamur), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay inay Dawladda Soomaaliya ay Somaliland kala dagaalamayso horumarka, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay

“Sidaynu la socono is beddelo badan oo soo kordhaya oo ka muuqato cadaawadi ayaa Soomaaliya ka muuqda, siiba hadalkii ugu dambeeyey ee Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, waxaanu hadalkiisi markhaati cad u ahaa muuqaalka iyo aragga ay leedahay Xukuumadda Farmaajo iyo siday u fikirayso marka arrimaha Somaliland loo eego, waxaa dhibaya wax walba oo horumar ah oo dalkan ka dhaca, wax walba oo wanaagga oo dalkan ka dhaca.

 

Wayna ka ashkato tagayaan, way ka dagalamayaan wada-jirka dadkan iyo horumarkooda ma ogola, hadalkii Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayay ku caddahay waxaynu ka been abuurayno maaha, waxaa kale oo ka horeeyey tagisiiti uu Madaxweynaha Somaliland tagay Gini,

Waa kuwii ka dhawaaqay inay xidhiidhkii u jareen Gini, waxaa jiray falal la kawsaday curashadii Xukuumadda Farmaajo, oo 2017 bilawgeediiba bilawday, oo iskugu jiray faragalin, cunqabatayn siyaasadeed, mid dublamaasi iyo mid dhaqaaleba iskugu jirtay, dhaqaalaha waxay inagala dagaalameen xaqii xoolaha,

Oo waxay inaga dacweeyeen wadamada xoolaha inaga qaadanayey, oo waxay ku yidhaahdeen waxaan anaga na soo marin ma qaadan kartaan, aad bayna ugu dagaalameen, xad gudubyada siyaasadeed ee ay sameeyeena waxaa ka mid ah inay Wasiirkii Qorsheynta ee Soomaaliya inay u soo direen Sanaag bari,

Wuxuu sameeyeyna waa la wada ogaa, kicin buu dadkii ku sameeyey, waxaanu yidhi wax baanu idiin qabanaynaa, balanqaadyo badan ayuu sameeyey, waxaa se nasiib daro inoo ahayd in muddo sodon sanno ah in Xukuumad Muqdisho ahi inuu Wasiirkani noqday Wasiirkii ugu horeeyey ee Somaliland soo caga dhigta,

Waxay kale oo Soomaaliya ka qayb qaadatay dagaalkii Tukaraq, waxaa kale oo iyana la ogaa in Dawladda Soomaaliya qortay warqad ah in aan Somaliland waxeeda gaar loo siin ee iyada loo soo mariyo, Maamulkii Hawada iyo siday ugu takrifaleen ayeynu ogeyn, oo heshiiskii bay jabiyeen, dibin-daabyada ay Dawladda Soomaaliya la daba taagan tahay Somaliland waxaa ka mid ah in Golayaashooda ay mariyeen arinta DP World, oo ay cod ku diideen,

Aadna wey uga dagaalameen, arimo badan oo horumarin ahna wey nagala dagaalameen, iyadoo Dawladdan Soomaaliya og in Dawladdihii ka horeeyey inaynu heshiis kula galnay in arimaha horumarinta iyo waxyaabaha taabanaya dhaqaalaha inaan la iska faragalin, ilaa wada-hadalku meel gaadhayo buu barnaamijku ahaa, laakiin wixii lagu heshiiyey oo dhan way baa’biisay,

Ta kale waxay taageertay oo ay daba ka waday inay kooxo ka dhex sameeysto Somaliland, oo khal-khal iyo nabadgalayo daro ku abuuraya, villa Soomaaliya ayaana laga soo waday, oo waa iska macruuf, mar walba Somaliland jawaab kamay bixinayn, cod hoose ayey ku lahayd wada hadalkii baanu ogol nahay”

 

 

Mar uu ka hadlaayey wada-hadallada ayaa yidhi “Somaliland waxaa la gudboon oo run ah saddex qodob, qodobka koowaad oo ah in la iclaamiyo oo cod dheer lagu sheego iyadoo la sababaynayo in wada-hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya uu istaagay, oo Xukuumadda hadda ka jirta Soomaaliya inaan wada-hadal la wadi karin, oo la sababeeyo, cid kasta oo ay khusaysana la siiyo qoraal,

Qodobka labaad in la sameeyo abaabuul gudaha ah, oo dadkeena reer Somaliland maamul daadajin iyo abaabul xooggan loogu samaynayo, qodobka saddexaad waynu aragnaa waxaa inagu soo socda, Dawladdan Soomaaliya gacantii baa u bixi la’ ee Ciidamo carbis ah ayaa meelo uga soo socda, Turkiga, Qadar ilaa Erateriya,

Dhaqaalena way sugayaan, haddii ay fadhiga kugu qabtaan iyadoon waxba diyaar ku ahayn waa khatar, ee abaabulka, isku duba ridka iyo midnimada Shacabka in laga shaqeeyo, oo Maamul dadaajinta gobollada xoogga la saaro weeye,  ta kale in cid kasta oo Dawladda Soomaaliya siyaasad xumadeeda diidan,

Oo aynu helayno, waa in la doono, oo xulafo wadaag loo samaysto, Dawlado ha noqdaan, Shakhisyaad ha noqdaan, oo meel kasta oo laga gali karo Siyaasadda Soomaaliya, waa in lagu dhaqaaqa,

Ta kale xidhiidhkii aynu la lahayn Wadamada kale ee dibedda in la xoojiyo ayaa iyana meesha ku jirta, waana in barnaamij cusub loo sameeyaa hirgalinta Somaliland, oo Wakiilladii aynu Caalamka ku lahayn la xoojiyo, baraha bulshadana waa in aad loo isticmaala”.

 

 

Dhinaca kale, Siyaasi Daamur wuxuu soo jeediyey in la sameeyo Ciidamada Cirka, si looga taxadiro khatar kasta oo Soomaaliya ka iman karta, waxaanu soo dhaweeyey Barnaamijka Shaqo Qaran ee Ciidadamada lagu qorayo.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker