Mareykanka oo ka walaacsan tallaabada Suudaan ay kusii deysay nin dilay diblumaasi

Mareykanka ayaa sheegay in si weyn uu uga walaacay sii deynta nin u dhashay dalka Suudaan oo wajahayay xukun dil ah kadib markii lala xiriiyay dilka diblumaasi kasoo jeedo Mareykanka 15 sano ka hor.

Mas’uuliyiinta Suudaan ayaa sheegay in Isniintii lasii daayay Cabdel-Ra’uuf Abu Zaid oo lagu helay dambi ah in uu dilay John Granville iyo darawalkiisii Cabdul Raxmaan Cabbaas.

Waxaa diblumaasiga iyo darawalkiisa toogtay dabley islaamiyiin ah xilliggii loo dabbaaldegayay curashada sanadkii 2008.

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka aa beenisay in sii deynta ninkan ay la xiriirtay kadib markii labada ay heshiis ka gaareen arrintaas.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay inay dhibsatay caddaalad darrada ka dhanka ah hanaanka sharciga ah ee loo maray arrintaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker