Ciyaartooy kabihiisa ku soo qoray erayo uu ku taageerayo Falastiin oo digniin loo diray

War ka soo baxay maamulka ciyaaraha Cricket-ka ee dalka Australia ayaa lagu sheegay in mid ka mid ah kooxaha ugu waaweyn ciyaaraha Cricket-ka in aaney ku soo bandhigin garoonka dhexdiisa fariin lagu taageerayo falastiiniyiinta ciyaar tijaabo ah oo ay dhawaan kula kulmayaan ciyaartooy ka socota dalka Pakistan.

Usman Khawaja oo ka mid ah ciyaartooyda Australia ayaa la sheegay inuu qorsheeyey in uu xirto kabo ay ku qoran yihiin erayo ah”dadkoo dhan waa simanyihiin siman ” iyo “xornimadu waa xuquuq bani’aadam”.

Maamulka Cricket-ka Australia ayaa sheegay in Khawaja ay tahay in uu u hogaansamo xeerarka caalamiga ah ee mamnuucaya “farimaha gaarka ah”.

Kabtan Pat Cummins iyo wasiirka ciyaaraha ee Australia ayaa taageeray Khawaja, laakiin ma sii isticmaalin kabaha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker