Mareykanka oo Ukraine ugu deeqay gargaar militari oo dheeraad ah

Mareykanka ayaa Jimcihii ku dhawaaqay kaalmo cusub oo gargaar milatari ah oo loogu talagalay Ukraine, taasoo dhan $400 milyan, sida uu sheegay xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken.

Blinken ayaa sheegay in kaalmada militari ay ka koban tahay rasaasta madaafiicda goobta nooca loo yaqaan HIMARS ee uu Mareykanku ugu deeqay Ukraine iyo sidoo kale rasaasta taangiga Bradley, gawarasida gaashaaman, hubka wax bur-buriga iyo qalabka dayactirka.

Wuxuu intaas ku daray in kaalmadan ay sidoo kale qeyb ka yihiin taagero dhinaca tababarka ciidamada Ukraine.

Blinken ayaa intaas ku daray in madaxweyne Binden aanu oggolaasho uga baahneyn Congress-ka si uu ugu wareejiyo qalabka iyo adeegyada kaydka Mareykanka ee ay Ukraine u baahan tahay inta lagu jiro xaaladda degdeg ah.

Marka lagu daro xirmadan ugu dambeysay, Mareykanka ayaa hadda Ukraine siiyay in ka badan $32 bilyan oo gargaar militari.

Wadamada Midowga Yurub ayaa sidoo kale ka shaqeynaya sidii ay kumannaan madfac u gaarsiin lahaayeen Ukraine, iyadoo ay ku baxayso barnaamij ku kacaya 1 bilyan oo doolar.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker