Madaxwayne Ashraf Ghani oo ku Guuleystay Doorashadi Afghanstan

Madaxweynaha dalka Afghanistan Ashraf Ghani ayaa u muuqda inuu ku guuleystay doorashadi Madaxtinimo ee dalkaasi ka dhacday bishii September, kaddib marki ay guddiga doorashada maanta ku dhawaaqeen natiijadi codbixinta.

Kaddib bilooyin la isla dhexmarayay Eedeymo ay dhinacyada isu jeedinayeen oo la Xidhiidhay ay musuq maasuq, ayay ugu danbeynti guddiga doorashada sheegeen in Ghani uu helay 50. 64 boqolkiiba, natiijadaas oo ka dhigeysa inuu ka badiyay ninki sida aadka ah ula tartamay ee Abdullah Abdullah oo uu guddigu sheegay inuu helay codad dhan 39.52.

 

Ra’isulwasaarihi hore ee dalkaasi, Gulbuddin Hekmatyar ayaa soo galay kaalinta saddexaad, isaga oo helay 3.85 codadki ay dhiibteen ku dhawaad laba milyan oo reer Afgahsnatn ah.

Abdullah Abdullah ayaa markiiba ku dhawaaqay inuusan aqbali doonin oo uu gudbin doono ashatko.

Natiijadi Axaddi maanta soo baxday ayaa marki hore la qorsheeyay in ay guddiga madaxa bannaan ee doorashada ku dhawaaqaan bishii October, balse waxaa dib loogu dhigay sababo lagu sheegay cillado farsamo, eedo musuq maasuq iyo cabasho ka timid musharraxiinta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker