Taliyaha Cusub Ee la Wareegay Ciidamada AFRICOM Oo Qiimeyn ku Sameynaya Howlgalada Somaliya

Taliyaha cusub ee ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee dhowaan xilka la wareegay Gen. Stephen J.Townsend ayaa sheegay inuu qiimeyn ku sameyn doono howlgalada ay ciidamada AFRICOM ka fuliyaan qaarada Afrika.

Gen Townsend oo fadhigiisu noqon doono dalka Jarmalka ayaa munaasabadii uu xilka kula wareegayay waxa uu ka sheegay inuu booqan doono toddobaadka soo socda qaarada Afrika gaar ahaan geeska Afrika oo ay ciidamada Maraykanka wajahayaan xaalado adag sida dalka Soomaaliya.

“Waxaan doonayaa inaan ku sameeyo qiimeyn buuxda waxyaabaha uu qabto talisku.”ayuu u sheegay Townsend Stars and Stripes.

Townsend ayaa bedelay Gen. Thomas Waldhauser, kaasoo howlgab noqonaya kadib markii uu saddex sano taliye ka ahaa AFRICOM oo howlgalo badan ka fulisay Soomaaliya,duqeyn cirka ah oo lagu qaaday Libya iyo weliba ciidamada Maraykanka oo la dagaalamay jabhado ka dhisan dalka Niger.

Sanadkii 2017, afar askari oo Maraykan ah

aa lagu diley Niger,sidoo kale Milatariga Maraykanka ayaa xoojiyay howgaladii ay ka wadeen Soomaaliya halkaasoo ay ka fuliyeen illaa 46 duqeyn ah oo lagu qaaday xoogaga taabacsan Alqaacida ee Al-Shabaab iyo koox taageersan IS sanadkan oo kaliya.

AFRICOM ayaa duqeynta ay ka fulisay Soomaaliya waxaa ay waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah balse waxaa uu talisku qirtey in labo ruux oo rayid ah ay ku dileen duqeynta ay ka fuliyeen Soomaaliya.

Mar wax laga weydiiyay in uu qiimeynayo howlgalada ay Milatariga Maraykanka fuliyaan Soomaaliya ayuu sheegay inuu qiimeynayo sida uu taliye walba oo cusub u sameeyo qiimeynta.

“Waan ku qanacsanahay waxyaabaha uu taliyihii iga horeeyay ka sameeyay Soomaaliya,balse waxaan sameyn doonaa waxyaabaha uu taliye walba oo cusub sameeyo oo ah inaan qiimeyn ii gaar ah sameeyo.”ayuu yiri taliyaha cusub ee ciidamada AFRICOM.

Sidoo kale, taliyaha cusub ee ciidamada Maraykanka qaarada Afrika oo ka hadlayay eedeymaha hay’adaha xuquuqda aadanaha ee ciidamada AFRICOM ayaa tibaaxay inuu og yahay taas oo uu fahamsan yahay.

Si kasta ha ahaatee,Townsend ayaa sheegay in duqeynta ciidamada ay tahay in si taxadar leh loo fuliyo oo laga fogaado in ay waxyeelo ka soo gaarto dadka rayidka ah.

“Arrimahaas waxa ay qeyb ka yihiin shaqaaqooyinka, waana nasiib darro balse waa ay dhacdaa.”ayuu sii raaciyay.

Gen.Townsend ayaa wajahaya tartan iyo cadaadis ugaga imanaya kooxo maleeshiyaad ah halka laga doonayo inuu isha ku hayo saameynta ay dalalka Ruushka iyo Shiinaha ay ku leeyihiin qaarada Afrika.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker