Qaramada Midoobay Oo Ka Deyrisay Xaaladda Bina’aadanimo Ee Yaman

Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay xaaladda bina’aadanimo ee dalka Yemen. Madaxa hay’ada caruurta ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in xaalada bani’aadnimo ee dadka deggan magaalada xudayda ay meel adag mareyso.

Henrietta Fore ayaa intaa ku dartay in xaaladda marba marka ka danbeeysa ay ka sii dareyso. Henrietta Fore oo ka dib afar maalmood oo booqasho ku joogtay Yemen imikana Geneva ku laabatay ayaa sheegtay in hadda dadka Yemen ee qarka u saaran macaluul ay ka badan yihiin dadweynaha ku nool Swezerland.

Waxay sheegtay in nafaqo daro ba’an ay ka jirto magaaalada Xudeyda islamarka ay sii badanayaan xanuunada sida daacuunka. Madaxa hay’ada caruurta ee Qaramada Midoobay Henrietta Fore ayaa xustay in hanaankii caafimaadka iyo waxbarshada dalkaasi ay meesha ka baxeen.

Dhanka kale wararka ka imanaya dalka yemen ayaa sheegaya in dad ay ku dhinteen qaar kalena ay ku dhaawacmeen duqayn dhanka cirka ah oo halkaasi ka dhacday. Duqaynta ayaa la sheegay in ay fuliyeen isbahaysiga uu Sucuudigu hogaamiyo islamarkana ay ku habsatay meel xaflad aroos ah ay ka socotey

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker