Laba Qof Oo Lagu Tijaabiyay Tallaalka Covid-19

Bukaanadii ugu horeeyay ayaa lagu tijaabiyay tallaal dhawaan lagu farsameeyay jaamaacadda Oxford ee waddanka Ingiriiska.

Laba qof oo si mutadacnimo ah u ogolaaday ayaa lagu muday tallaalka. Waxayna hordhac u yihiin illaa 800 oo qof oo lagu tijaabin doono tallaalkan.

 

Tallaalkan ayay koox ka tirsan jaamaacadda Oxford ay ku farsameeyeen muddo saddex bilood ah.

Mid ka mid ah khubarada gacanta ku haya tallaalka ayaa xustay in ay kalsooni buuxda ku qabto tallaalkan ay sameeyeen.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker