Iiraan Way Nasiib Badantay,,Madaxwaynaha Dalka Maraykanka oo Ka jawaabay Duqayntii Saldhigyada Dalkiisa ee Iiraan
Washington (OWN) – Waxaa Daqiiqado ka hor soo dhamaaday shirkii jaraa’id ee aad loo wada sugayey ee madaxweynaha Mareykanka Trump uu kaga hadlayey Weerarkii Gantaalaha ahaa oo ay Iiraan Xalay Saqdii dhexe ku qaaday Saldhigyada Militari ee Mareykanka ee ku yeelay Ciraaq.
Madaxweyne Trump ayaa xusay inay Iiraan Tahay dowlad nasiib badan maadaama uusan qof Mareykan ah wax ku Noqonin duqeymihii gantaallada ahaa ee ay Iiraan adeegsatay inkastoo ay Iiraan horey u sheegtay inay ku dishay 80 kamid ah Askarta Mareykanka.
Madaxweyne Trump ayaa Aargudashada duqeyntii Iiraan ku sheegay inay noqon doonto cunaqabateyn hor leh oo la saari doono Iran .
Mar uu ka hadlayey Nuclear-ka Iiraan oo ay Mareykanku horey u diideen ayuu Dowladaha Midowga Yurub, Shiinaha iyo Ruushka ugu baaqay inay iyagana ka baxaan heshiiskaas si looga hortago inay Iiran hesho hubka aad wax u gumaada oo Nuclear- ah. ayuu hore ugu Booriyay Trump
Wariyaasha ayaa Trump waydiiyey Tallaabada xigta ee uu Mareykanku qaadi doono kadib duqeyntii lala eegtay Saldhigyadooda Ciraaq balse wuu ka gaabsaday inuu ka jawaabo.
Jawaabta uu Trump bixiyey ayaa ka dhigan in Xiisadda Mareykanka iyo Iiran ay xoogaa dagi doonto maadaama laga cabsi qabay inuu Mareykanka ku dhawaaqo inuu bixinayo jawaab Militari taasoo Xaalada uga Sii Dari lahayd