Somaliland Oo La Joojiyey Tukashada Iyo Xuska Salaada Ciidul Fidriga

Guddida Heer qaran ee Xanuunka Covid19 ayaa Maanta soo saaray Goโ€™aamo La xidhiidha Maalmaha ย Ciidul Fidriga.

 

Guddida heer qaran Covid19 ee Jamhuuriyadda Somaliland ka dib markii ay wada tashi la yeesheen Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Dhakhaatiir Khibrad durugsan u leh sida laysugu gudbiyo Xanuunka Covid19, waxa ay soo saareen Goโ€™aamo.

 

Goโ€™aamadan ay guddidu soo saartay waxaa lagu joojiyey ย Gabi ahaanba Isu soo bixii maalmaha Ciidda ย iyo ย Tukada Salaadda Ciidul-fidriga ย ee Masaajidada iyo Garoomada.

 

Sidoo Kale Waxaa ย lagu joojiyey Guud ahaanba Isu-socodka Gaadiiidka Dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay Ee Gobolada iyo Degmooyinka Dalka.

 

Waxaa la faray Mulkiilayaasha Garoomada iyo Goobaha Caruurtu Ku Ciyaarto inaan la furi karin ย si looga bad baado Xanuunka Covid19.

 

Waxaana ย la faray ย Dhammaan laamaha Ammaanka ee Dalka inay ku hawl galaan Ammaradan Guddida heer Qaran ee Covid19 JSL.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker