Suldaankii Gacanta ku Hayay Hoteelka Hargaysa Club oo Cambaareeyay Sida ay Xukuumadu uga la Wareegtay

Hargeisa (OWN) Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale oo ka mid
ah Salaadiinta Somaliland ee Gobolada Bari, isla-markaana ah Masuulkii
gacanta ku hayay Huteelka Hargeysa Club ee ay Xukuumaddu kala
wareegtay, ayaa sheegay inuu si adag uga falcelinayo Arrintaasi islamarkaana

 

Aan sifo sharci ah loola iman ee uu maqlay uun in Degreeto Madaxweyne  lagula wareegay Huteelkiisii.  islamarkaana Warbaahinta oo  arrintan wax ka waydiisay ayaa ku jawaabay sidan: “Arrintaas Raali kama ihi, Haddii aan raalli ka ahay Degreeto Madaxweyne kuma soo baxdeen,

 

Waxaa uu Suldaanku intaa Raaciyay inuu Wakhti dhaw imanayo Hargaysa  faah faahin iyo war weyn ka bixinayo ,maanta Hawlo kale ayaan ku jiraa oo Nabadayn ah, waxaan rabaa inaan u soo gacan baxo oo aan si adag bayaan uga soo saaro, Hargeysa ayaan imanayaa  oo aan warbixin Faah faahsan Warbaahinta ku siinayaa laakiin hadda wax
baddan odhan maayo”.

 

Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale Waxa kale oo uu yidhi “Anigu waan fogahay  hadda, Meel Fog ayaan joogaa, Gobolka Sanaag, Waxaan gacanta ku hayaa Hawlo nabadeed, arintaasna waan ogahay oo waata dhacday, markaa inaan hadda wax badan ka warramo ma jecli, waxaan doonayaa inaan ka aamuso,
wakhtigeeda Hadii Alle yidhaah ayaan ka hadlayaa”.

 

Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale ayaa 2005-tii waxa uu Mashruuc heshiis kula  galay Huteelka Hargeysa Club Xukuumaddii Wakhtigaasi ee Daahir Rayaale Muddo lagu sheegay 20-Sanno, taasi oo aanu wax maal-gashi ah oo muuqda ku samayn marka laga reebo dhismayaal Qabyo ah oo uu Wajahadda hore ee
Huteelkaasi Ganacsade kale kusii wareejiyay.

 

Dorraad ayay Wasaaradda Hawlaha Guud ee Somaliland baahisay Qoraal
kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Somaliland kaasi oo lagu laalay  heshiiskaasi islamarkaana Huteelkaasi Hargeysa Club dib loogu celiyay gacanta Xukuumadda.
Ciidamo xukuumaddu dul dhigtay Huteel Hargeysa Club ayaa wakhtigan d

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker