Amiir Sacuudi Ah Oo Si Ba’an u Cambaareeyey Israel

 

Amiir u dhashay Sacuudiga ayaa Axaddii si kulul u cambaareeyey Israel markii lagu guda jiray shirka amniga ee Bahrain oo uu qaab muuqaal ah uga qayb galay wasiirka arrimaha dibedda ee Israel.

Waxay arintani muujinaysa caqabadaha heshiis kasta oo dhexmara dowladaha Carabta iyo Israel, iyadoo ay meesha ka maqan tahay dowlad madax banaan oo Falastiiniyiintu leeyihiin.

Hadalkan kulul ee uu Amiir Turki al-Faysal ka jeediyay shirka Wadahadalka Manama ayaa u muuqday mid kadis ku ah Wasiirka Arimaha Dibada Israel, Waxa uuna yidhi amiirku “Israel waxa ay ku xidhay (Falastiiniyiinta) xerooyin go’doonsan iyadoo lagu haysto eedo amniga oo aan jirin – dhalinyaro iyo waayeel, haween iyo rag, kuwaasoo halkaas ku qurmaya iyagoo aan helin caddaalad,”.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker