Xukuumadda Taiwan oo si Adag Ugu Jawaabtay Soomaaliya iyo Shiinaha
Dawladda Taiwan ayaa jawaab adag ka bixisay hadallo ka soo yeedhay Shiinaha iyo Soomaaliya oo cambaareeyey xafiisyada Diblomaasiyadeed ee ay is-dhaafsadeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taiwan.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan, Joanne Ou, oo Khamiistii si adag uga jawaabtay naqdigii ka soo yeedhay Dawladda Beijing, waxaanay sheegtay in Shiinuhu aanay waligood maalin kaliya ka talin Taiwan, islamarkaana aanay xaq u laheyn inay metalaan shacabka Taiwan ama ay farogeliyaan dalalka ay xidhiidhka la yeelanayaan.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan waxa ay ku tilmaantay dhawaaqii ka soo yeedhay Xukuumadda Muqdisho ee ahaa inay Soomaaliya mid tahay uu la mid yahay doodda Xukuumadda Beijing ee ah inuu Shiinuhu mid yahay.
Afhayeen Joanne Ou, waxa ay intaas ku dartay in fikradda ah Soomaaliya waa mid iyo Shiinuhu waa mid, ay yihiin wax aan suurtogal aheyn. Waxa kaloo ay ku dooday in hadalkii Soomaaliya uu ahaa mid uu ku dhaliyey oo uu ka dambeeyey Shiinuhu.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan, waxa ay caddeysay inay Jamhuuriyadda Somaliland qabsatay saddex doorasho tan iyo markii ay xornimadeeda kala soo noqotay Soomaaliya, waxaanay iftiimisay in Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taiwan ay sii qoto-dheereynayaan cilaaqaadkooda oo ay ku sifaysay inuu ku salleysan yahay Qiyam-wadaag, Xornimo iyo Dimuqraadiyad.
Waxa kaloo Afhayeenka Wasaaradda Khaarajiga Taiwan ay bayaamisay in dalalka Ingiriiska, Denmark, Itoobiya, Turkiga, Canada, Qarammada Midoobay iyo Midowga Yurub ay xafiisyo ku leeyihiin Jamhuuriyadda Somaliland.