Ra’iisul wasaaraha dalka Canada Oo Magacaabay Wasiiro uu ku jiro Axmed Xuseen
Ra’iisul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa shalay galab magacaabay golahiisa wasiirrada oo ka kooban 36 wasiir, taasoo ka badan tii sanadkii 2015-kii.
Trudeau ayaa golihiisa wasiirrada si siman ugu qeybiyay ragga iyo dumarka, isagoo u magacaabay min 18 wasiir.
Axmed Xuseen oo ah Soomaali, horeyna u ahaa wasiirka socdaalka Jinsiyadaha iyo arrimaha qaxootiga, ayaa markale nasiib u yeeshay inuu ka dhex muuqdo golaha wasiirrada.
Professor Xuseen Warsame oo bare ka ah jaamacadda Calgary ee gobolka Alberta, oo ka hadlaya arimahaas, halkan hoose ka daawo