Somaliland oo Gacanta ku soo dhigtay Afar markab oo laga leeyahay Masar

Hargeysa (OWN) – Xukuumada Somaliland ayaa maanta Gacanta ku dhigtay Maraakiib Ka kaluumaysanayey Biyaha Baddeeda.

Ciidamada Ilaalada Xeebaha  ee Dalkaasi ayaa Afar Markab oo sifo sharci darro ah kaga  Kaluumaysanayey Xeebaha galbeed ee Somaliland  gacanta ku soo dhigtay, sida uu Xaqiijiyay mid kamid ah Saraakiisha ka Tirsan Ciidamada  Badda ee Somaliland.

Afartan Markab oo la sheegay in laga lahaa dalka Masar, ayaa waxa saarnaa Tobanaan shaqaale ah, kuwaasi oo iyagana ay gacanta ku dhigeen ciidamada ilaalada Xeebaha Somaliland ee kuwa fadhigoodu yahay gobolka Selel.

Xukuumada Somaliland ayaa dhowr jeer oo hore gacanta ku soo dhigtay Ajaanib sifo sharci darro ah uga howl-galayey gudaha deegaanadeeda, iyadoona hoe u soo saartay digniino ku aadan Maraakiibta sifooyinka sharci darada ah uga kaluumaysta Xeebaheeda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker