Madaxweyne Mustafe Cagjar oo ka hadlay arrimaha Shidaalka iyo Sicir bararka ka jira dowlad degaanka Soomaalida

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar oo ka hadlayay kulan wadatashi ahaa oo xukuumaddu la yeelatay Shacabka dowlad degaanka Soomaalida, ayaa ka hadlay qodobo dhawr ahaa oo ay u waawaynaayeen Shidaalka iyo Sicir bararka oo in muddo ahba ay dhibaato ka jirtay.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in degaanka uu soo gali jiray markii hore Shidaal aad u badan oo aan kooto lahayn, laakiin markii la ogaaday in Shidaalku uu ka baxo xadka kooto la sameeyay, balse aanay jirin sabab kale oo kooto Shidaal degaanka loogu sameeyay.

Waxa kale oo uu sheegay in dadaal badan xukuumaddu ay galisay sidii loo xakamayn lahaa Shidaalkii baxayay tiina lagu guulaystay, sidoo kale dadkii iyaguna Shidaalka qaali garaynayay ee qiimaha Shidaalka wax ku darayay, Madaxwaynuhu wuxuu sheegay in iyagana laga talaabo qaaday oo Kaalimahoodiina albaabada la iskugu dhuftay.

Mar uu ka hadlayay dadka u doodaya oo qabiil ka dhigaya shakhsiyaadka Kaalimahoodii Shidaal la xiray waxa uu yidhi ” Qofka Shidaalka dadka ku ciriirinaya ee maciishada qaaliyaynaya Qabiil ma aha, kolkuu qaato lacagtii uu shidaalka ka helayay, qabiil ma siinayo ee isagaa ku taajiraya oo guryo ku dhisanaya, markii shidaalkii laga joojiyo reer ma noqonayo, arrintaa in laga taxadaro ayaa fiican”.

Sidoo kale wuxuu sheegay Madaxwaynuhu in haddii qolyaha Shidaalka dadka ku qaaliyaynaya ee ku ciriirinaya Shidaalka ay sii wadaan arrintaas, in dowladdu ay qaadi doonto talaabooyin kale oo xiga, oo laga qaadi doono fasaxa ay ku shaqaystaan iyo wixii lamid ah.

Maciishada sicir bararka ku yimid oo shacabku aad ula dhibaataysan yahay, ayuu Madaxwaynuhu ku sheegay in labo qodob ay keeneen sicir bararka, ” Qayb waa mid dhaqaalaha guud uu inagu keenayo, qaybna waa nidaam darada ka jirta ganacsiga degaankeenna ay keenayso, taana waa inaan xalinaa”.

Mar uu ka hadlayay iyagana waxa ay xukuumaddu ka yeelayso dadka ganacsatada ah, ee maciishada ku qaaliyaynaya dadka, waxa uu sheegay in iyagana laga yeelayo sida kuwa Shidaalka ka ganacsada ee dadka ku dhiba shidaalka, ” Ganacsatada sicir aan sax ahayn oo khaldan wax ku iibinaysa tallaabo ayaa laga qaadayaa, Fasaxana waa lagala noqonayaa”Ayuu yidhi Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar.

Arrimaha Shidaalka iyo Sicir bararka dhanka maciishada, waxay noqdeen labo arrimood oo shacabka dowlad degaanka Soomaalidu aad ula dhibaataysan yihiin, balse haddii laga dhabeeyo go’aannada ay dowladdu ka qaadatay arrimahaas ay noqonayaan kuwo xal loo helay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker