Waan Soo Tukanayaa

Salaadu waa rugniga labaad ee shanta tiir islaam ee ALLE SWT umadisa ku wajibayay hadaba waxa dhacda in ay dad badani dhayal sadaan salaada faralka ah!

Waxyaabaha kaa yaabinaya waxa kamida meela qaar sida gooba lagu qayilo meela shaqada qaar in dad badan oo wada jooga meelahaas marka salaada la eedaamo ay u kala jaban laba qaybood.

 

Qayb salaada ukacda oo soo tukata iyo qayb aan iyagu danayn salaada markas oo aad moodo in aan iyaga laga dhafay hadaba waxa cajiib ah marka kuwa salaada soo tukanaya ay kuwa kale ku yidhahadan waan soo tukanaynaye alaabta noosii eega ama jaadka ii laali iyagoon odhan inamariya aan soo tuknee ama salaada ha loo kaco halka kuwa kalana ka dhahaan orda soo tukada! ,

Hadaba kuwan iyagu soo tukanayaa ee kuwa kale odhanaya wanu soo tukanaynaye alaabada noo sii eega salaadooda wax ma udhimaysa ??

Bal halay nooga jawaabo waxaynu udhaafayna jawaabta umada muslimka ah oo dhan ?

Balse anigu dhankayga waxan kuso koobaya salaada ogaada oo ukaaca oo iswaydiiya sababta kuwan idinla joogayba usoo tukanayaan idna aydun bagaaash kooda usii eegaysan ..

 

W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid Axmed (Dalmar)
Suxufi madax banaan
Hargeysa somaliland
Emil: Cabdiraxmaan800@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker